Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo Diyaaradii ugu horeesay 30-Sano kadib siisay Shahaadada Duulimaadka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daahfurayay shahaaddo bixinta Duullimaadka hawada ee (AOC), iyadoo dowladda  maanta shahaaddadii duullimaadka siisay diyaaraddii ugu horreysay 30 sano ka dib.

Rooble ayaana shahaaddada duullimaadka hawada iyo rukhsadda duuliyenimo guddoonsiiyay shirkadda diyaaradaha ee Freedom Air iyo duuliyeyaal Soomaaliyeed, ka dib markii  lagu daahfurayay bixinta Shahaadooyinka Duullimaadyada hawada (OAC).

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana guul weyn ku tilmaamay in maanta dowlada bixiso 30-sano kadib Shahaadooyinka Duullimaadyada hawada, waxa uuna ugu baaqay shirkadaha diyaaradaha in ay qaataan shahaadada si ay shaqadooda usii wataan.

Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliya ee ka howlga dalka ayaan horey u heesan rukhsad duulimaad iyadoo sidoo kale duuliyaasha diyaaradaha iyana aysan heysan rukhsadda duuliyenimo ee looga baahnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo caawa soo saaray Wareegto xasaasi ah

Cabdi Cade

DF oo war ka soo saartay khilaafka ka taagan Safaarada Soomaalida ee Roma

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo ka baxay Heshiis uu la galay R/W Rooble iyo Khilaaf soo kala dhax galay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---