Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xoogaga TPLF oo tacadiyo xanuun badan u geestay Haween kunool Gobolka Amxaarada

Xoogaga Daacada u ah jabhada TPLF ayaa lagu eedeeyay in kufsi iyo tacadiyo kale oo xanuun badan kula kaceen haween badan oo kunoolaa magaalo kutaala gobolka Amxaarada ay la wareegeen.

Hay’adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay in xoogaga TPLF kufsi iyo dhibaatooyin kale ay ku jiraan dhac ka geesteen magaalada Nifas Mewcha oo katirsan gobolka Amxaarada.

Haween badan oo wareesteen Hay’adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa waxa ay u sheegeen in kufsi saf mar ah kula kaceen ciidamada TPLF iyaga oo qori ku haya, haweenka qaar ayaana sheegay in jir dil iyo tacadiyo kale lagula kacay.

“Waxa ay haweenku noo sheegeen waxay qeexayaan ficillo arxan darro ah oo ay geysteen dagaal-yahannada TPLF lana mid ah dembiyo dagaal, iyo kuwo ka dhan ah bani’aadannimada,” ayay tiri Agnès Callamard, oo ah xoghayaha guud ee Amnesty International.

Ciidamada u dagaalamaya jabhada TPLF ayaa lagu eedeeyay in ay kufsi iyo dilal ka geestaan qaar kamid ah magaalooyinka iyo deegaanada ka baxsan gobolka Tigrey ay dhawaan la wareegeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daalibaan oo gudaha u gashay Kabul iyo Kala Carar xoogan oo magaaladaasi ka bilowday

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo xukun gacan goyn ah ka fulisay degaan ka tirsan Koonfurta Somalia

Caydiid Ali

Trump oo booqasho afar cisho qaadaneysa ku tegay dalka Japan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---