Allbanaadir.com
NEWS

R/W Rooble oo furay Shir ay kasoo qeyb galeen Wakiilada Beesha Caalamka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta furay Madasha Arrimaha Bani’aadminimada ee Soomaaliya oo ay soo qaban qaabishay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee XFS.
 
Madashan oo ay ka soo qeyb galeen wakiillada Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarka ka shaqeeya ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka sheegay in roobabkii la filayay ee baaqday ay sababeen cunto yari iyo abaaro, taas oo keentay xaalad bani’aadminimo oo sii xumaaneysa.
 
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarku in ay gurmad deg deg ah la gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen,si looga hortago macluul la mid ah tii dalka ka dhacday sanadkii 2011.
 
Qaar kamid ah gobolada dalka ayaa waxaa xiligan ka jira abaaro baahsan oo saameyn xoogan ku yeeshay dad iyo duunyo, waxaana adkaatay in gar gaar la gaarsiiyo deegaanada qaar ay abaaruhu saameeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay Al-Shabaab u dooratay Galcad, ugana weecatay Ceeldheer iyo Xarardheere?

Caydiid Ali

Shirkadda iska leh Facebook oo magacii laga beddalay (Akhriso Magaca cusub)

Caydiid Ali

Mid ka mid ah rag Mareykanku madaxoodu lacag dul dhigay oo lagu qabtay Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---