Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjire Pirkka Tapiola

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka, waxa uu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee ay Jamhuuriyadda Finland u soo magacawday Soomaaliya Mudane Pirkka Tapiola.

Danjiraha Dowladda Finland Mudane Tapiola ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa Jamhuuriyadda Finland Mudane Sauli Niinisto, waxa uuna dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Tapiola ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Finland, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi iyo iskaashi. Waxa uuna Danjire  Tapiola bogaadiyey horumarka ballaaaran ee  Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay, isaga oo  Madaxweynaha uga war-bixiyey dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Labada Dal.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub, guulaha muuqda ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib-u-dhiska dalka,  dib-u-heshiisiinta, Maalgashiga, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Danjiraha Cusub ee Finland ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay  in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada PSF oo soo bandhigay Muuqaalada Dagaalyahano Ajnabi ah oo Daacish ku biiray (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Jubbaland oo amaro culus ka soo saartay ka hortaga cudurka COVID-19

Caydiid Ali

Soomaali lagu waayey weerarkii Westgate oo sii deyntiisa ka dib la afduubtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---