Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye ku-xigeen ka badbaaday isku day la doonayey in lagu qaarajiyo (Sawirro)

Dabley hubeysan ayaa la sheegay iney maanta weerar ku qaadeen Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Ciise Sharaawe.

Wararka ayaa sheegaya in dableyda ay gaari ku hor jareen gaariga Gudoomiye ku-xigeenka oo xiligaas ku sii jeeday shaqada ka dibna ay rasaas ooda kaga qaadeen.

Ilaalo hubeysan oo la socotay Gudoomiye ku-xigeenka ayaa la sheegay iney rasaas isweydaarsadeen dableyda weerarka soo qaaday taasoo socotay muddo daqiiqado ah.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Ciise Sharaawe ayaa la sheegay inuu badbaaday weerarkaas.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ilaaladiisa ay nolol ku qabteen qaar ka mid ah dableydii weerarka soo qaaday, halka qaar kalena ay baxsadeen.

Allbanaadir Online uma suuragelin iney hesho faahfaahin ku saabsan khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkaas, mana jiro war ku saabsan weerarkan oo ka soo baxay laamaha amaanka iyo maamulka degm,ada Wadajir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo xil cusub u Magacaabay taliyihii Xilka laga qaaday ee ciidanka Asluubta

Caydiid Ali

Musharaxiin uu ku jiro Abuu Mansuur oo maanta la kulmay Rai Zenenga (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Ciidamada Midowga Yurub oo tababar casri ah u soo xiray Saraakiil ka tirsan Xooga dalka Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---