Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tacshiirad la isku weydaarsaday degmada Guriceel iyo Khasaare nafeed oo ka dhashay

Inta la xaqiijiyay hal Ruux ayaa geeriyooday Haweeneey Shacab ahna waa ay ku dhaawacantay is rasaaseyn Maanta degmada Guriceel ku dhexmartay laba Ciidan

Wararka ayaa sheegaya in goobta israsaaseynta ka dhacday ay ka socotay qeybinta kaarar la doonayay in dad shacab ah raashin lagu siiyo, waxaana ka dib isku dhacay laba ciidan oo ilaalo ka hayay goobtaasi oo muran uu soo kala dhex galay, kuwaasoo ka tirsanaa ciidamadii dhowaan ka dagaalamay degmadaas ee ka socda Galmudug iyo DF.

Goobjooge ayaa sheegay in ciidamada dagaalamay ay kala dhex galeen Saraakiisha Ciidamada ka howlgalla Guricrel.

Haweeneyda dhaawacantay ayaa la geeyay Isbitaalka degmada Guriceel halkaasoo lagu daweynayo

Laamaha Amniga degmada Guriceel ayaan weli ka hadlin is rasaaseynta khasaaraha geysatay ee Maanta ka dhacday degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hay’addda Hormuud Salaam Foundation oo 1,500 oo haamood oo Oksajiin ah ku wareejisay Isbitaalka Martiini (Sawirro) 

Cabdi Cade

Maxay Itoobbiya Dalkeeda Uga Erisay Saraakiisha Qaramada Midoobay? (Wax ka Ogow)

Cabdi Cade

Ciidan uu Hoggaaminayo Xildhibaan Xaadoole oo qabtay xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---