Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa digniin culus ka bixiyey shaqsiyaad doonaya iney ku faafiyaan gudaha Soomaaliya mad’habta Shiicada gaar ahaan degmada Warshiikh oo Calanka shiicada laga arkay Markii ugu horeysay xili ay ka socotay siyaaro lagu xuso Shiikh Cabdiraxmaan Celi iyo munaasabado kale oo waaweyn sida xuska bisha Mowliid ee maxfalka Qaran ee magaalada Muqdisho.
“Waxaan soo ogaanay in degmada Warshiikh lagu qabtay munaasabad ama siyaarada Sayid Cali Bin Abii Daalib oo mabda’ ahaan Shiicada aaminsan tahay inuu lahaa waxyiga Nabinimada” ayaa lagu yiri hadal ay soo saareen culimada.
“Sida aan ka soo xiganay baraha bulshada qaarkood siyaarada waxa ka soo qeyb galay qeyb ka mid ah reer Sheekh Cabdi celi” ayuu yiri Shiikh Maxamed Xassan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed.
Dadka waxgaradka ah qaarkooda ayaa is weydiinaya maxaa loo kale reebay 4ta khulafaa’u raashidiin oo Sayid Cali bin Abii Daalib kaligiis loo siyaartay?! Iyadoo aan ognahay inuu ka mid aha 4tii khulafa’u raashiidiin iyo hogaamiyihii Islaamka ugu danbeeyay xukunka.
“Waa banaan tahay siyaarada dhammaantooda 4-ta khulufaa’u Raashiin, Sayid Abuubakar Sadiiq (CS) Sayid Cumar Sayid Cismaan & Sayid Cali” ayey yiraahdeen qaar ka mid ah culimada digniinta soo saaray.
Culimada Soomaaliyeed waxay isweydiinayaan waxa isku soo beegay siyaarada Sayid Cali bin Abii daalib ee lagu siyaartay gudaha degmada Warshiikh iyo calanka shiicada ee lagu arkay degmadaas” ayuu yiri Shiikh Maxamed Xassan
Culimada Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn waxay ka digeysaa fidnada Shiicada ka wado gudaha Soomaaliya iyo saameynta khilaafka diimeed ee ka dhalan kara.
Xassan Kuuriya
Nairobi, Kenya
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi, Kenya
Allbanaadir@live.com