Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cumar Filish oo rag ganacsato ah ku wareejiyey dhul dan guud ah (Akhriso caddeyn)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa rag ganacsato ah ka iibiyey dhulka ay ku fadhido xarunta Waaxda 3aad ee degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho sida ku cad qoraal uu saxiixay Gudoomiye Cumar Filish

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Warta nabada oo magacooda ka gaabsaday ayaa Allbanaadir online u sheegay in Maamulka degmada amar lagu siiyey iney dhulkaas ku wareejiyaan ganacsade ay qaraabo yihiin Cumar Filish.

“Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa amar ku bixiyey in ganacsade C/wahaab C/llaahi Aw-Yuusuf lagu wareejiyo dhulkaas dowladeed ee loogu talo galay in bulshada loogu adeego” Waxaa sidaas yiri mid ka mid ah masuuliyiinta degmada oo magaciisa ka gaabsaday in la soo xigto.

Xarunta Waaxda 3aad ee degmada Warta nabada ayay maamuladii hore u burburiyeen dhismayaal uu ka sameystay ganacsadahan hase ahaatee Cumar Filish ayaa mar kale bixiyey dokumenti dhulkan loogu xalaaleynayo ganacsadahan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa mudooyinkan dhexda kaga jiray fadeexado ka dhashay dhulal dan guud ah oo maamulkiisu bixiyey, arrintaasoo cabashadeeda ay gaartay Madaxda sare ee dalka oo wararka qaarkood sheegayaan iney ka fekerayaan talaabadii ay qaadi lahaayeen.

Cumar Filish ayaa horey rag ganacsato ah iga iibiyey xauntii waaxda OKtobar ee degmada Waaberi oo haatan laga dhisayo guryo iyo bakhaaro.

Madaxweyne Farmaajo oo ka duulaya dhibaatadan soo korortay ayaa dhowaan soo saaray wareegto lagu mamnuucay bixinta dhulalka danta guud ee ku yaalla caasimada inta lagu guda jiro xiliga doorashooyinka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA LAGU BIXIYEY DHULKA WAAXDA 3AAD EE DEGMADA WARTA NABADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Caalamka oo war cusub soo saartay kana digtay hal arin oo la isku hayo

Cabdi Cade

Mareykanka oo war ka soo saartay shir madaxeedkii shalay ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Xarun Degmo ay Al-Shabaab qarxiyeen oo dib u dhis lagu sameeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---