Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xubno kasoo goostay Ahlu-sunnada hubeysan oo isku soo dhiibay Galmudug (Sawirro)

Shan dagaalyahan oo ku hubeysan qoryaha fudud ayaa isku soo dhiibay Saraakiisha ciidamada Galmudug, iyagoo ka faa’iideysanaya Cafis Madaxwaynaha Galmudug uu dhawaan u fidiyay dhalinyaradii ka barbar dagaalamay Maleeshiyada Ahlusunna ee laga saaray Guriceel.

Wasiirka dowlaha Madaxtooyada Galmudug Cumar Shido ayaa dhalinyaradan soo dhaweeyay isagoo ku amaaney go’aanka ay qaateen.

Waxaa uu intaa raaciyay in wali uu furan yahay cafiska Madaxwaynaha ayna fursadaasi ugu baaqayaan inay kawada faa’iideystaan dhalinyarada la qalday, iyadoo   dowladu u balan qaadayso in loo fasaxo mushaharkooda iyo xuquuqaadka kale.

Madaxda Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo dhaweeyay askar iyo saraakiil ka soo goostay maleeshiyada uu hoggaamiyo Shiikh Shaakir ee ku sugan degaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Howlgalo boqolaal qof lagu qabqabtay oo ka dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Farmaajo & Shariif oo wadajir u shaaciyey in Xassan Shiikh uu ka hor yimid dedaal ay wadeen

Caydiid Ali

(War-Murtiyeed) DF iyo afar dowlad goboleed oo ku heshiiyey qeybsiga deeqaha caalamka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---