Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo Go’aan kasoo saaray Kursigii Mahdi Guuleed ku guuleestay

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa go’aan kama dambeys ah kasoo saaray dacwad laga gudbiyay Kursi Nambar #HOP239 oo dhowaan loo doortay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed.
 
Qoraal kasoo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa lagu sheegay in hannaanka loo maray doorashada kursiga ay tahay mid sax ah oo waafaqsan Habraaca loo dejiyay doorashada dadban,.
 
Guddiga Xalinta Khilaafadaka Doorashada ayaa ku wargeliyay Guddiga doorashada heer federaal inay u fasaxan yihiin laga bilaabo maanta ku dhawaaqista natiijada kursiga nambarkiisa yahay #HOP239 .
Kursigan uu dacwad ka gudbiyay Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo horey  ugu fadhiyay ayaa keenay in guddiga xalinta khilafaadaka hakiyaan shaacinta natiijada kursigan, waxaana baaris guddiga sameeyeen ugu dambeyn shaaciyeen  in kursigan hanaanka loo maray uu sax yahay.
Halkan ka Akhriso Go’aanka kursigan kasoo saareen guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar 34-sano jir ah oo noqotay Ra’isul Wasaaraha Dunida ugu yar

Cabdi Cade

Xog cusub oo laga helay askarigii toogashada ka geystay Xerada Imaaraadka

Caydiid Ali

Dowlada oo ka hadashay Ujeedka Ciidamada cusub ee la geeyay Xarunta Baarlamaanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---