Allbanaadir.com
NEWS

Dood ka dhalatay Moos la sheegay in laga qaaday Soomaaliya oo ka taagan dalka…

Dowlada Panama ayaa si adag u beenisay warar maalmihii lasoo dhaafay lagu faafinayay baraha bulshada iyo warbaahinada qaar oo sheegayay in dalkaasi la geeyay moos laga dhoofiyay Soomaaliya.

Wasiirka horumarinta beeraha wadanka Panama  Augusto Valderrama , ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku beeniyay in moos laga dhoofiyay Soomaaliya la geeyay dalkooda halkaasna lagu sii iibinayo.

Waxa uu sheegay Wasiirka in been abuur aan raad laheyn uu yahay warka sheegaya in moos laga qaaday Soomaaliya la geeyay Panama, waxa uuna tilmaamay in aan Panama loo fasaxin badeecadaha laga keeno Soomaaliya.

“Waxaan shacabka u cadeyneynaa in gabi ahaan ay been abuur tahay wararka la faafinayo ee ah in Panama ay muus ka keensato Soomaaliya. Dalka looma ogola in la soo dejiyo moos Soomaaliya laga keenay ” ayuu yiri Wasiirka Horumarinta beeraha ee Panama.

Baraha bulshada dalka Panama ayaa lagu baahiyay warar sheegaya in ganacsato waa weyn oo u dhashay dalkaasi iyo masuuliyiin xilal sare dowlada ka haya ay ka dambeeyeen in dalkaasi la geeyo moos laga dhoofiyay Soomaaliya.

Dalka Panama oo ku yaala jasiiradda isku xirta Bartamaha iyo Koonfurta Ameerika ayaan wax xariir ganacsi oo toos ah la laheyn Soomaaliya, waxaana warkan lagu faafiyay baraha bulshada hadal heyn badan ka abuuray gudaha dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waan-waantii laga dhex waday Madaxda DF iyo Musharaxiinta oo horumar laga gaaray

Caydiid Ali

Jeneraal Xuud oo saakay ku dhax lugeeyay magaalada Baladweyne (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shir Maalgaashi oo dalka muhiim u ah oo Muqdisho ka furmay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---