Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia oo QM ka dalbatay in loo fasaxo arrin laga xanibay Soddon sano ka hor (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa qaabilay Muqdisho Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Afrika dhanka Waaxyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabad-dhisidda iyo Howlgallada Nabadda (DPPA-DPO), Marwo Martha Ama Akyaa Pobee.

Waxa uu kala hadlay horumarka siyaasadeed ee ka socda dalka, hannaanka doorashooyinka, howlgalladda Ciidamada Ammaanka iyo kuwa Xoogga dalka ay ku sugayaan amniga iyo xasiloonida, iyo muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ee la saaray tan iyo sanadkii 1992-kii.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarray xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xal siyaasadeed ugu raadinayso khilaafaadka gudaha.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay xoojinta iskaashiga Qaramada Midoobey ee dhinacyada siyaasadda iyo adeegyada aasaasiga ah si horumar looga gaaro xaaladaha bini’aadantinimo, dhaqaale iyo amni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaliimo yarey oo ka hadashay doorashada kuraas ka banaan golaha shacabka & halka lagu qabanayo

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo xaalku ku xun yahay Labo darana mid dooro ay heesato !!

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo mar kale ka hadlay xadgudubka Itoobiya eedeyna u jeediyay Abiy

Cabdi Cade
Taboola Ads ---