Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoorqoor oo Barnaamij cusub ka daahfuray Dhuusamareeb (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa ka qeybgalay Munaasabad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu daahfurayay Barnaamijka Daadejinta Adeegyada Dowladda Galmudug.

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib uheshiisiinta iyo Federalka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Guddiga Daadejinta Adeegga, xubno ka tirsan Labada gole ee Dowladda Galmudug, xubno ka tirsan labada gole ee BFS, Gudoomiyayaasha Degmooyinka Galmudug iyo masuuliyiin kale.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Galmudug ayaa si rasmi ah u Daahfuray Hanaanka Daadejinta Adeegyada DGM oo dhawaan si buuxda uga hirgali doona deegaanada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xildhibaan Bobi Wine oo mar kale xabsiga la dhigay xili uu doonayay in…

Cabdi Cade

Warabixin: Labada Madaxweyne ee loo doortay Jubbaland & waxa ka dhalan kara

admin

Munaasabad Xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---