Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wasiir C/risaaq oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ka dib ceyrintii Simon Mulongo

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho, Ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira.

Waxaa uu kala hadlay arrimaha ammaanka, doorashooyinka dalka ka socda, waajibaadka shaqo ee AMISOM iyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP) oo ah dhabbaha qura ee lagu gaari karo xasillooni, amni iyo dowlad-dhisidda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo sida loogu baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

Labada masuul ayaa isla faaqiday sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu taageerayo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya iyadoo laga duulayo sare u qaadida heerka diyaargarowga cutubyada ciidamada si ciidamadu ay u noqdaan kuwa dhufays u ah qaranka iyo gaashaan gabbaad ah.

Waxaa kulankan uu ku soo beegmayaa xili dowlada Somalia ay maalmo ka hor dalka ka ceyrisay Simon Mulongo oo ahaa ku-xigeenkii wakiilka midowga Afrika ee Somalia ka dib markii lagu eedeeyey inuu faraha la galay arrimo lid ku ah qaranimada Somalia iyo waajibaadkii loo xilsaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ronen Bar oo sheegay in uu qaadayo Masuuliyada weerarkii Xamaas ku qaaday Israel

Cabdi Cade

Aabbe dil argagax leh ugu geestay Muqdisho wiil lix jir ah uu dhalay oo la qabtay

Cabdi Cade

Dhaqaatiirta Magaalada Gaalkacyo oo talaabo culus qaaday ka dib dilkii Dr. Sakariye

Caydiid Ali
Taboola Ads ---