Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ergayga Midowga Afrika oo gaaray Makelle, lana kulmay Hogaamiyaha TPLF (Sawirro)

Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika, ahna Madaxwaynihii hore ee Nigeria ayaa booqasho ku tagay caasimada gobolka Tigray ee Mekelle.

Ujeedada safarkan ayaa ah sidii loo joojin lahaa dagaalka dhexmaraya ciidamada Itoobiya iyo Jabhada Tigray ee TPLF.

Hogaamiyaha Kooxda TPLF Debretsion Gebremichael ayaa Mekelle kulan kula qaatay Ergayga Midowga Afrika Obasanjo inkastoo aan la shaacin natiijada ka soo baxday kulankan

Dhinaca kale, Wasiir dowlaha Wasaaradda arrimaha dibada Itoobiya, Ridwaan Hussen ayaa sheegay in Dawladda dhexe ay sugayso xalka uu la iman doono Ergayga midowga Afrika u qaabilsan arrimaha barriga Obasanjo oo sidoo kale booqan doona Addis ababa.

Lama inuu guuleysan doono dedaalka nabadeed ee uu waddo Midowga Afrika, iyadoo Jabhada TPLF ay ugu gacan seyrtay xabad joojin iyo wadahadal iney la gasho dowlada Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Doha kula kulmay Amiirka Dowladda Qatar (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda oo xirtay goobo ganacsi oo kuyaalla Muqdisho oo diiday ammar kasoo baxay

Cabdi Cade

Mid kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo ogolaaday in uu bedelo Xubnaha Guddiga…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---