Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 7-da November 2021 kuna saabsan magacaabid iyo isku bedel Ciidan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Amniga.
Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidannimo.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi loo magacaabay Hogaanka Dembi Baarista (C.I.D) ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.
- Waxaa G/sare Xuseen Cali Maxamed oo ahaa Taliyaha Qabta Booliska Gobolka Bari loo bedelay Taliyaha Qabta Booliska Gobolka Nugaal.
- Waxaa G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada loo wajeejiyey Taliska Ciidanka Booliska waxaana loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari.
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com