Tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa kuwaasoo taageero ugu muujinaya dowladda dagaalka kula jirta isbaheysiga xoogaga fallaagada ee qeybta waqooyi ee dalkaasi.
Maamulka Adis Ababa ayaa abaabulay isu soo baxyadaan iyadoo ciidamada fallaagada ay sii wadaan dagaallada kuna sii dhawaanayaan cassimadda dhanka kalana waxaa sii kordhaya cadaadiska caalamiga ah ee dhinacayada ka soo gaaraya dunida si loo helo xal nabadeed oo loogu joojinayo dagaalka .
Dhinaca kale Kumannaan bulshada magaalada Jig-jiga ah ayaa saaka aroortii hore iskugu soo baxay bartamaha magaalada Jig-jiga, kuwaasoo wata boorar ay ku xardhan yihiin hal-ku-dhegyo ay ku taageerayaan ciidammada difaaca qaranka dalka iyo doorashadii ka dhacday Deegaanka, halka sida oo kalena ay cambaaraynayeen kooxda TPLF.
Duqa magaalada Jig-jiga, C/fataax Ibraahim iyo guddoomiyaha gobolka Faafan, C/xakiin Sheekh oo la hadlay bannaan-baxayaashii isu soo baxay ayaa sheegay in kooxda TPLF ay tahay koox argagaxiso ah oo dhibaato weyn ka geysatay Deegaanka iyo dalka, loona baahan yahay in si wadajir ah looga hortago.
“Ma aqbalayno kooxdii shalay na bahdishay ee na dhibaataysay in mar kale ay soo laabtaan, waxaan u digaynaa kuwa gacan-yaraha u ah kooxda TPLF ee wararka been-abuurka ah ka wada baraha bulshada, waxaana diyaar u nahay in aan la halganno kuwa shar-wadayaasha ah “, ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Faafan oo bannaan-baxa ka hadlay.
Sidoo kale magaalooyinka waaweyn ee dalka Itoobiya ayey banaanbaxyadu ka dhaceen, iyadoo dad badan isweydiinayaan waxa banaanbaxyo la abaabulo ka tarayaan xoogaga TPLF ee ku soo wajahan caasimada Itooboiya.
SAWIRADA JIGJIGA
SAWIRADA ADDIS ABABA
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com