Bishii tagtay ee 26 keedii ayey aheyd markii uu Amar ku bixiyey Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde Taliye Khadar Maxamuud (khaddar Sanka) in Ciidankiisu la wareegeen Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn ee looyaqaan Drones ka oo markaa laga soo dajiyey Garoonka.
Diyaaradahan oo aan markaa badi Dadku fahansaneyn ayaa bulshada iyo masuuliyiintii Dowlada ku baraarugeen qatartooda kadib markii Xalay lagu weeraray Ra’iisulwasaaraha Dalka Ciraaq Mustafa Al kadhimi Diyaarado Drones ah oo Qaraxyo lagu soo raray kuwaa oo gaarsiiyey dhaawac.
Arinta qabashada Drones oo ay dood ka taagneyd iyo in loo wado in Beeraha looga buufiyo Anyaxa ayaa markaliya soo saartay qatarta ay yeelan karaan Diyaaradahan oo Xanbaari kara culeys u dhigma loor Bariis ah midiiba kuwaa oo hadii lagu xiro Jawaan Qarax ah geysan kara dhibaato balaaran, sidoo kalana gaari kara masuulka loo qorsheeyo in lagu qarxiyo si kasta oo uu u leeyahay ilaalo
Taliye Khadar Sanka oo ah Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde ayaa bogaadin badan loo jeedinayaa isagoo lagu amaanay in uu soo kordhiyey Feejignaan tan iyo intii uu noqday Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cade oo laga dareemay dardar amni.
Waxaa isasoo taraya falcelinta ay ka sameynayaan Siyaasiyiinta iyo Shacabka Diyaaradaha Drones ka ee lagu qabtay dhamaadka bishii hore Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com