Allbanaadir.com
NEWS

Musharax ku baaqay in la hubiyo Nuuca ay yihiin Diyaarado Drone ah oo Muqdisho lagu qabtay

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa dhawaan magaalada Muqdisho ku qabtay lix diyaaradood oo ah nuuca aan duuliyaha laheyn xili laga soo dejiyay garoonka lana doonayay in laga bixiyo.

Diyaaradahan ayaana xiliga la qabanayay ku jiray kartoono, waxaana la socday injineero u dhashay dalka Turkiga oo loogu tala galay in ay rakibaan diyaaradahan marka la geeyo goobihii loogu tala galay.

Xildhibaan Zakariya Maxamuud Cabdi ayaa sheegay in diyaaradahan ee leedahay shirkad looguna tala galay in lagu buufiyo sidoo kale lagu waraabiyo beeraha, waxa uuna codsaday in dowlada ay dib usoo celiso diyaaradahaasi.

Musaharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku baaqay in la baaro lana xaqiijiyo waxa ay yihiin diyaaradahan lagu qabtay Muqdisho, waxa uuna ka codsaday Hay’adadha iyo dowladaha taageera Soomaaliya in ay gacan ka geestaan baarista diyaaradahan.

”Maadama xalay Raysalwasaaraha Ciraaq uu ka badbaaday isku day dil oo loo adeegsaday drone qarax loogu soo xiray, waxaan dalbanaynaa in si madaxbannaan loo xaqiijiyo waxa ay tahay drone ka la sheegay in Xamar lagu qabtay. Waa in hay’adaha iyo dawladaha naga gacansiiya tababarka ciidanka iyo arrimaha amniga ay hubiyaan nooca drone ka la qabtay, iyo halka ay ku socotay.” ayuu yiri Cabdiraxmana Cabdishakuur.

Hadalkan kasoo yeeray Musharaxa aya akusoo aadaya xili xalay weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye laheyn oo waxyaabaha qarxa lagu soo xiray lagu weeraray guriga Ra’isul Wasaaraha dalka Ciraaq, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Qaabkii ay ciidanka Milatariga usoo bandhigeen Sargaal katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Taliban oo amar cusub ku soo rogtay haweenka wax ka barta Jaamacadaha Afghanistan

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo hal maalin fasaxday shaqaalaha rayidka ah (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---