Allbanaadir.com
NEWS

Dhismaha Barxada Biyaasa Liibaro oo xariga laga jaray iyo Waxa lagu qabanayo (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga kajaray dhismaha barxada Biyaasa Liibaro ee degmada Xamar Jajab oo ay dowlada hoose Xamar ku sameysay dib udhis goobtaas oo loogu talagalay in lagu baakimo gaadiidka Xamuulka ah si loo yareeyo saxmada balaaran ee kajira isku socodka wadooyinka Caasimadda.

Barxada Biyaasa Liibaro oo ah goob danguud ah ayaa muda ku dhow 30-sano helin wax dayactir ah, iyadoo dhawaan uu duqa magaalada Muqdisho amar ku bixiyay dhismaha goobtan si bulshada loogu qidmeeyo.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo goobta kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhismahaan Biyaasa Liibaro ay qeyb ka tahay qorshaha maamulka gobolka Banaadir ee la xariirta xal u helida saxmada xoogan ee kajira wadooyinka magaalada.

Related posts

Madaxweyne kuxigeenka cusub ee Maamulka Puntland oo goordhaw la doortay

Cabdi Cade

Wasiir ku-xigeenka Isboortiga DF oo si si kulul u weeraray Wasiirad Khadiijo Diiriye

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in la sii daayey C/risaaq Dhoore oo ku afduubna Baladweyne?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---