Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq Mustafa al-Kadhimi, ayaa ka bad baaday weerar la qorsheeyay oo la doonayay in lagu dilo , waxaana weerarkan hadal heyn badan ka abuuray gudaha dalka Ciraaq.
Diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray guriga Ra’isul Wasaaraha Ciraaq oo kuyaala aaga ‘Green Zone’ oo ah goob si weyn amaankeeda loo sugo.
Ra’isul Wasaare Mustafa al-Kadhimi, ayaa sheegay in uu ka bad baaday weerar qaraxyo loo adeegsaday oo lagu soo qaaday gurigiisa, waxa uuna ugu baaqay shacabka Ciraaq in ay is dejiyaan kana shaqeeyaan bad baadada Qaranka.
Weerarkan loo adeegsaday diyaarada qaraxyada laga buuxiyay ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah ilaalada Ra’isul Wasaaraha, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Ra’isul Wasaaraha la geeyay isbitaal.
Ma jirto ilaa hada koox sheegatay masuuliyada weerarkan lagu qaaday guriga Ra’isul Wasaaraha, waxaana weerarkan uu hadal heyn badan ka abuuray gudaha dalka Ciraaq iyadoona soo baxayaan tuhuno kala duwan oo la xariira cida qorsheesanm weerarkan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com