Allbanaadir.com
NEWS

Mustafa Cagjar oo Shaaciyay in Adis Ababa kula dagaalami doonaan Tigrey hadii ay…

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Cagjar oo xalay la kulmay waxgaradka magaalada Jigjiga ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan duulaanka ay TPLF ku dooneyso in ay kula wareegto talada Itoobiya.

Mustafa Cagjar ayaa shaaciyay in ciidamada deegaanka Diyaar u yihiin in magaalada Adis Ababa ka difaacaan falaagada TPLF, waxa uuna cadeeyay in aysan aqbali doonin cid kasta Adis Ababa duulaan ku qaada ama nidaam qaldan dooneysa.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Cagjar xaalada hada ka taagan Itoobiya aysan u baahneyn mucaarad iyo muxaafid loona baahan yahay in cadawga wadajir looga hortago, waxa uuna sheegay in deegaankooda aysan dan ugu jirin in Tigrey soo laabtaan.

Madaxweynaha dowlad Deegaanka ayaana cadeeyay in maamulkiisa marnaba uusan aqbali doonin in in Tigrey Adis Ababa qabsadaan, waxa uuna shaaciyay hadii Adis Ababa galaan in iyaguna halkaasi gali doonaan si ay ula dagaalamaan Tigreyda.

”Ciidan qoomiyadeed oo Addis Ababa soo gala, inaan la dagaalanno ayaa noo qorshaysan, waxaannuna aamminsannahay ciidan qaran oo aan ka Tigreega ka yarayn oo wax qabsan kara in aannu haysano” ayuu yiri Madaxweyne Mustafe

Waxa uu sheegay in aysan Tigrey fursad u siin doonin maamulkiisa in ay dalka qabsadaan ayna usoo qaataan diyaarado iyo Taangiyo isagoona carabka ku adkeeyay in la maqli doono ciidamada Deegaanka oo galay Adis Ababa marka ay TPLF galaan magaaladaasi.

“Aroorta Tigree baa Addis Ababa ku socda la yidhaa waxaad ogaataaan Soomaali addisababa ku socdana in aad maqlaysaan oo la gelayo, intay dawlad nagu noqdaan oo xerooyinka qabsadaan oo taangiyo soo qaataan diyaarado soo samaystaan oo iyaga oo dawlada nagu soo noqdana oo jigjiga ku dagaallanno marna in aanay dhacay, markaa haba yaraatee wax laga cabsadaa ma jiraan.” ayuu yiri Madaxweyne Cagjar.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya ayaa imaanaya xili ay taagan tahay cabsi laga qabo in jabhada TPLF iyo jabhada wehliya damacsan yihiin in ay duulaan ku qaadaan magaalada Adis Ababa si ay talada dalkaasi ula wareegaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Soomaali ah oo Weerar loo adeegsaday Mindi ka geestay Melbourne (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Laami Cusub oo laga dhisay Muqdisho oo maanta xariga laga jaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada DF (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---