Masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa sheegay ineysan wax wada haddal ah la gali doonin TPLF illaa ay ka baxaan Deganada ay qabsadeen ee ka tirsan amxaarada iyo Cafarta.
Wasiirka Caddalada Itoobiya iyo Afhayeenka Raisal Wasaaraha ayaa shuruud ku xidhay wada haddalo dhexmara labada dhinac waxayna sheegen in marka hore TPLF dagaalka joojiso, kula laabato degaanadii ay ka soo duulaan tageen.
Dhinacooda TPLF horey ayeyba u sheegeen inuu soo xirmay albaabkii wadahadalka ayna todobaadyo gudahood xukunka ka tuuri doonaan xukuumada Abiy Ahmed.
Ergay dowlada Maraykanku u soo dirtay Itoobiya ayaa la sheegay inuu ku fashilmay dedaalo uu doonayey inuu xabad joojin ka dhex dhaliyo dhinacyada dagaalamay si wadahadal loo bilaabo.
Todobaadkii hore ayay kooxda TPLF sheegtay in ay qabsatay laba magaalo oo istiraatiji ah oo ku yaala gobolka Amhara, halkaas oo ciidankeedu ay weerareen ka dib markii ay bishii June dib ula wareegeen gacan ku heynta gobolkooda Tigray.
Arbacadiina, waxa ay sheegtay in ciidankeedu gaaray magaalada Kemissie ee gobolka Amhara, waxayna magaaladu 325 kiiloomitir dhanka waqooyi-bari ka xigtaa caasimadda.
TPLF ayaa intaas ku dartay in ay howlgal wada jir ah ay kula jirto Ciidanka Xoreynta Oromada, oo ah jabhad kale oo saadaalisay in Addis Ababa ay la wareegi karto toddobaadyo gudahood.
Dowladda, oo Talaadadii ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo ay ku soo rogtay dalka oo dhan ah, ayaa beenisay in fallaagadu ay ku sii siqayaan ama halis ku hayaan caasimadda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com