Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israsaaseyn caawa ka dhacday Magaalada Garowe iyo Khasaare ka dhashay

Tachiirad khasaare nafeed geysatay ayaa caawa la isku weydaarsaday magaalada Garowe ee xarunta Puntland ka dib markii ay fooda is dareen ciidamo ka wada tirsan maamulkaas.

Rasaasta ayaa bilabatay markii askar ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ay isku dhaceen ciidamo Taraafiko ah bartamaha magaalada Garowe.

Labada ciidan ayaa isku maan dhaafay Gaari laga xereeyay ciidanka Madaxweyne ku xigeenka ka dib markii uu galay qalad la xiriiray dhinaca socodka wadada sida ay allbanaadir u sheegeen ilo xog ogaal ah

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay tacshiirada la isweydaarsaday, waxaana daqiiqado ka dib caadi ku soo laabtay xaalada, iyadoo dhacdooyinka noocan ah ay yihiin kuwo aan looga baran degaanada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Banaan bax saakay ka socda Muqdisho iyo Ra’isul Wasaare Kheyre oo baaq loo diray

Cabdi Cade

Khilaafkii Jubbaland oo sii xoogeestay iyo Kismaayo oo Labo Madaxweyne yeelatay!!

admin

Gantaalo lagu weeraray Israel & khasaare ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---