Ku dhowada 100 qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badana way ku dhawaacmeen kadib markii qarax xooggan uu ka dhacay magaalada Freetown caasimadda dalka Sierra Leone.
Qaraxa ayaa dhacay kadib markii Booyad kuwada sidaalka qaada ah ay ku dhacday gaari kale oo marayay isgoys mashquul badan.
Madaxweynaha Sierra Leone Julius Maada Bio ayaa sheegay in uu si weyn uga naxay shilka qaraxa ka dhashay booyadda shidaalka siday.
Meydad si daran u gubtay ayaa daadsanaa waddooyinka gaar ahaan goobtii ay ku rogmatay booyaddii shidaalka siday.
Saraakiisha Dowladda waxay sheegeen in ilaa hadda ay soo gaareen 91 meydad ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Wararka qaar waxay sheegayaan in gebi ahaanba uu dabka qabsaday bas ay saarnaayeen dad rakaab ahaa halka qaraxa ka dhashay booyadda uu baabi’iyay xarumo ganacsi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com