Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa ka qayb galay munaasabad uu xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cabdulqaadir Clmi Cali (Cabdul),
Munaasabadan oo ay kasoo qeyb galeen Wasiiro katirsan Xukuumada federaalka Soomaaliya, Xildhibaano , saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa xilka waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adad Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guleed oo hadal ka jeediyay munaasabada xil wareejinta ayaa u rajeeyay agaasimaha cusub ee xilka la wareegay in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday.
Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka ayaa sidoo kale u mahadceliyay Agaasimihii hore ee hay’adda Maxamed Aadan Koofi oo uu ku ammaanay shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka soo qabtay hay’adda inta uu xilka hayay.