Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dad badan oo ku dhintay Goob ay ka socotay Bandhig Faneed (Daawo Sawirada)

Dad badan ayaa dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen goob ay ka socotay bandhig faneed, kadib markii dadkii goobtaasi isugu tagay ay is buurteen, waxaana bandhigii mar qura isku bedelay mid murugo oo dad ku dhinteen.

Inta la xaqiijiyay 8-qof oo kamid ahaa dadkii bandhiga daawanayay ayaa goobta ku dhintay halka tiro kale oo aad u badana soo gaareen dhawacyo kala duwan, dadka qaar ayaana la sheegay in neefta ku dhegtay halka kuwa kalana lagu dul istaagay.

Bandhig faneedkan dadka badan ku dhinteen ayaa lagu dhigayay magaalada Houston ee gobolka Texas dalka Mareykanka, waxaana bandhiga dadka kasoo qeyb galay la sheegay in ay gaarayeen 50,000 qof.

Saraakiisha booliiska magaalada Houston ayaa sheegay in ay baarayaan sababaha keenay isbuurashada dadka badan ku dhinteen, waxaana bandhigan noqday mid murugo kusoo idlaaday oo dad badan ehelkooda iyo asxaabtooda waxyeelo kasoo gaartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dameeyay xiisadda Garowe & degmada Afgooye oo xaalkeeda Allow sahal ah !!

admin

Guddoomiyaha Ururka ONLF iyo xubno la socda oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

(Akhriso) NISA oo baaritaan cusub ku sameysaneysa shaqaalaha heyadaha DF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---