Qoraal Wadajir ah oo kasoo baxay Wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa walaac xoogan looga muujiyay dib-u-dhaca kusii socda geedi-socodka doorashada Soomaaliya.
Beesha Caalamka ayaa sheegtay in dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada Soomaaliya ,waxa ayna ku baaqeen in si deg deg ah loo dardargeliyo doorashada Aqalka Hoose ee dhawaan ka bilaabatay Muqddisho..
”Waxaan ku boorrinaynaa madaxda heer qaran iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo hay’adaha daadihiya doorashada inay si dhakhso leh ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorasho loo dhanyahay laguna kalsoonaan karo ee Golaha Shacabka ka-hor dhamaadka 2021ka, iyadoo la ixtiraamayo qoondada haweenka ee ugu yaraan 30 boqolkiiiba. Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa maamulka Galmudug in uu soo doorto labada kursi ee harsan si loo dhameystiro geedi-socodka doorashada Aqalka Sare.” ayaa lagu yiri Qoraalka Beesha Caalamka.
”Saaxiibada caalamku waxay ogsoonyihiin ku-dhowaaqistii dhowaan lagu dhawaaqay in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Waxaan ugu baaqaynaa labada hogaamiye inay si degdeg ah u fuliyaan qodobbada lagu heshiiyay, oo ay diiradda saaraan arrimaha mudnaanta u leh qaranka, gaar ahaan dhammaystirka geedi-socodka doorashada.” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Beessha caalamka.
Ugu Dambeyn qoraalka kasoo baxay caawa Saaxiibada beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa mar kale ku baaqay in si buuxdo oo dhakhso ah loo fuliyo heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020kii iyo 27kii Maajo 2021ka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com