Xarunta Safaarada dowlada Soomaaliya ku leedahay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda, ayaa waxaa ka socda dib u dhis balaaran oo lagu sameenayo qeybo kamid ah xarunta safaarada.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda Danjire Cali Cagabaruur ayaa markii loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u jooga dalkaasi isku howlay sidii uu dib u dhis iyo dayactir ugu sameyn laha xarunta safaarada oo mudo bur bursaneyd.
Muuqaalka xarunta safaarada Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa hada laga dareemayaa isbadal balaaran, waxaana xaruntaasi adeegyo kala duwan u sameesaa Soomaalida kunool gobolada kala duwan ee dalka Uganda.
Soomaalida kunool dalka Uganda ayaana ku amaanay safiirkooda sida hufan uu ugu shaqeeyo, waxa ay sidoo kale tilmaameen in uu noqday shaqsigii ugu horeeyay ee isku taaga in dib loo dhiso xarunta safaarada oo dayac badan horey uga muuqday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com