Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo Waqti Qurux badan la qaatay Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedla Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta la qadeeyay oo wakhti la qaatay Ciidamada Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Taliska Ciidamada Madaxtooyada, Kadibna wuxuu ku boggaadiyay shaqada wanaagsan ee ay dalka iyo dadka u hayaan, isagoo kulan la qaatay Ciidamo ku dhaawacmay difaaca dalka kuwaasi oo uu amray in dhakhso wax looga qabto baahiyahooda Caafimaad.

Ciidamada Madaxtooyada Puntland oo ah kuwa ugu horeeyay ee lagu billaabay qorshaha dib-u-habeynta iyo tayeynta Ciidamada Puntland, waxaa ka muuqda isbedel weyn oo dhinaca horumarka ah, Kaasi oo ku yimi balan qaadkii Madaxweynaha ee dib-u-habeynta Ciidamada oo hirgalay.

Madaxweyne Deni ayaa ugu danbeyn kormeeray Ceelka iyo Warshadda Biyaha macaanisa oo laga hirgeliyay rugta ciidamada Madaxtooyada ee Garoowe.

 

Related posts

Dowladaha Somalia iyo Kenya oo kala saxiixday heshiisyo taariikhi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Cirka Pakistan oo soo riday labo kamid ah Diyaaradaha dagaalka Hindia

Cabdi Cade

Gudigii Baaritaanka dilka taliyihii Booliska G/Hiiraan oo warbixin hordhac ah soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---