Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Lafta Gareen iyo Maxamed Mursal oo Arimo xasaasi ah kawada hadlay (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa  kalan kala warqaadasho kula qaatay Hoyga uu ka degenyahay Muqdisho Gudoomiyaha Gollaha Shacabka  Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan.
 
Kulankan dhax maray Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka   oo ahaa mid saacado qaatay waxay iska xog-wareysteen Xaalada guud ee Dalka iyo Arimaha Doorashooyinka .
Sida aan wararka ku helnay labadan masuul ayaa kawada hadlay sida ugu macquulsan ee loo bilaabi karo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo sidii ay uga tashan lahaayeen soo saarista Xildhibaano muxaafid ah.
Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa wararku sheegayaan in mar kale doonayo in uu kamid noqdo Xildhibaanada golaha shacabka si uu mar kale isugu soo taago gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii u danbeeyey dagaalkii xoogganaa ee saaka ka dhacay degaanka Hilowle Gaab

Caydiid Ali

Maxay tahay fadeexada sababtay in shatiga lagala laabto qareenkii Madaxweyne Trump?

Caydiid Ali

Nin isku qarxiyey goob uu ka socday xuska Mowliidka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---