Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamad xukuntay Saraakiil Kenyan ah oo loo heystay dilka haweeney Soomaali ah

Maxkamadda Sare ee magaalada Garissa gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa toban sano oo xabsi ah ku xukuntay labo sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan.

Saraakiishan ayaa lagu helay inay saddex sano ka hor ku dileen degaanka Ramu ee Ismaamulka Mandheera Cabdiya Cumar Aadan oo aheyd haweeney Soomaali ah

Denis Langat iyo Kennedy Okuli ayaa markii uu dilku dhacay la soo taagay maxkamad, balse maxkamadda oo eegeysa xaalado gaar ah sida halka uu dilku ka dhacay ayaa go’aansatay in dilkaasi uusan ahayn mid ula kac ah.

Cabdiya oo 63 jir ahayd ayaa la toogtay 10-kii November, sanadkii 2018, kaddib howlgal ay booliisku ka sameeyeen gurigeeda, iyagoo doonayay inay soo xiraan wiilkeeda oo looga shakisanaa inuu daroogada ka ganacsado.

Bishii July ayaa dembi lagu helay labadan nin, kaddib markii ay baaritaan sameysay Waaxda Kormeerka Booliiska (IPOA). Waaxda oo xukunka kaddib warbixin soo saartay ayaa sheegtay inay ka go’an tahay caddaalad u raadinta dadka la midka ah Cabdiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Guddoomiye Cumar Shiikh Shafaana oo sheegay inuu ka badbaaday isku day dil

Caydiid Ali

Tirada dadka Soomaaliyeed ee sanadkan soo xajinaya oo la kordhiyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Milatariga Sudan oo shaaciyay in Xilka laga tuuray Al Bashiir Xabsina loo taxaabay (Akhriso Go’aano Adag)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---