Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Maamulka Puntland ee gobolka Mudug oo fagaare ku gubay Khamri fara badan (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ka qayb galay Fulinta Xukun Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Mudug ku riday 20 kartoon oo khamri kuwaasoo Ciidamada Amnigu ku qabteen guri ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.

Fulinta Xukunkan waxaa goobjoog ahaa Taliyaha Ciidanka Daraawishta Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad, Taliyaha Howlgalinta Taliska qaybta Booliska iyo Taliyaha Saldhiga Bartamaha Magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Bulshada ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dagaalka lagula jiro Maandooriyaha iyo dadka ka ganacsada.

Sidoo kale Gudoomiyuhu digniin udiray cid kasta oo ku howlan maandooriyaha isagoona faray dhamaan laamaha Amniga Magaalada Gaalkacyo in ay amar buuxa uqabaan cidkasta oo lagu helo in sharciga la waafajiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Abuu Mansuur oo Dhaq dhaqaaq Ciidan wada iyo Koonfur Galbeed oo ka hadashay

Cabdi Cade

Shimbir halis galisay Nolosha Wasiirka Difaaca Turkiga iyo Taliyaal ciidan

Cabdi Cade

Madaxweyne Muuse Biixi oo Wadahadal la yeeshay Wakiillo katirsan Beesha Caalamka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---