Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Miisaaniyadda Dowlad Goboleedka Puntland oo la ansixiyay (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan lagu ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan oo dhan $354,039,039.

Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale lagu ansixiyay Siyaasadda Kaabista Ciidamada Dowladda Puntland iyo Xeerka Fayadhowrka Caanaha Xoolaha Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada waxaa kale oo looga hadlay Doorashaddii goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomtay degmooyinka Ufeyn , Eyl iyo Qardho, doorashadaasi oo ahayd guul taariikhi ah oo Puntland ku hoggaamisay Soomaaliya inteeda kale, waxaana ka go’an Dowladda Puntland in ay dhameystirto hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda oo dhakhso loo guda galo qabashada Doorashadda goleyaasha deegaanka ee degmooyinka kale ee Puntland.

Related posts

RW ku-xigeenka Somali Muxuu ku soo arkay Wasaarada Caafimaadka? (Sawirro)

Caydiid Ali

Shir u dhaxeeyay Masuuliyiin kala matalayay Soomaaliya iyo Uganda oo ka dhacay Kampala (Sawirro)

Cabdi Cade

Beesha Murusade oo Xoolo badan geysay Hoyga ay taalo Gogosha Tacsida Duqii Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---