Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xiligan ka ka qeyb galaya munaasabad balaaran oo tababar loogu soo xirayo gabdho ka tirsan ciidanka Haramcad ee booliska Soomaaliyeed.
Munaasabadan ka socota dugsiga Tababarada ee Jeneraal Kaahiye ayaa sidoo kale derajooyin loogu xirayaa saraakiil katirsan ciidanka booliiska oo tababar layli sarkaal ku soo qaadatay dalka Masar.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaana la filayaa in munaasabadan ka jeediyo hadalo uu ku bogaadinayo gabdhaha kamid noqday ciidanka booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa haramcad oo lagu soo tababaray dalka Turkiga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com