Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo ka tirsan Kenya oo qarax lagu laayey & Al-Shabaab oo War soo saartay

Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ayaa la sheegay in qarax lagula eegtay degaan u dhow Magaalada Lamu, kaasoo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh geystay.

Qaraxa oo ahaa miino wadada lagu aasay ayaa qabsaday Gaadiid ay la socdeen Ciidamo Kenyan ah oo marayay wadada isku xirta degaannada Kinyonga iyo Mirani ee duleedka lamu, xilli ay roondo ah kujireen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, waxaana warar ay ku daabaceen Baraha Internet-ka ay ku sheegeen in qaraxaas ay ku dileen 10 kamid ah Ciidamada Kenya, sidoo kalena ay gubeen gaari.

Ciidamada Kenya ayaan weli ka hadlin qaraxaas, mana ahan markii ugu horeysay ee degaano hoostaga Magaalada lamu qaraxyo lagula eegto Ciidamada Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aabe iyo Caruur uu dhalay oo Dil wadareed loo geestay iyo Howlgalo socda

Cabdi Cade

Nin la dhashay Madaxweyne Mustafe Cagjar oo caawa toorey lagu dhaawacay

Caydiid Ali

Taliyihii Xabsiga Dhaxe ee Xamar oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---