Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maraykanka oo liiska madow ku daray shirkad caan ah oo Israel laga leeyahay

Maraykanka ayaa Shirkad Israa’iil laga leeyahay oo samaysay barnaamijka basaasnimada ee Pegasus ku daray liiska madow ee shirkadaha ganacsiga laga xannibay.

Pegasus waa Barnaamij la sheegay inay adeegsadeen dowladdo si ay u beegsadaan telefoonnada dadka u ololeeya xuquuqda iyo weriyayaal.

Hadal ay soo saartay Shirkadda ayay ku sheegtay inay la yaabtay go’aanka Maraykanka, iyadoo intaa raacisay in tiknoolajiyadeeda ay gacan ka geysatay amniga Maraykanka oo ay ka hortagtay argagixisada iyo dembiyada abaabulan.

NSO Group ayaa ku doodday in barnaamijkeeda ay ka iibiso milateriga iyo laamaha ammaanka ee dowladaha uu wanaagsan yahay rikoorkooda xuquuqda aadanaha.

Balse Maraykanka ayaa ku eedeeyay shirkadan inay tiknoolajiyadeeda ka iibisay dowladdo xukun adag oo ku beegsaday dad aan waxba galabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay saldhiga Booliiska Baladweyne

Cabdi Cade

Faah Faahino kasoo baxaya dil loo geestay Mustaf Maxamed Farayare

Cabdi Cade

Warar sheegaya in Hogaanka Ahlu Sunna aqbaleen in ay is dhiibaan iyo khilaaf ka taagan cida ay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---