Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiisha Dowlad degaanka Soomaalida oo digniin adag u jeediyey shacabka

Taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga DDS  oo ka hadlay xaaladda deg-degga ah ee dalka lagu soo rogay ayaa sheegay in shacabka Deegaanka Soomaalida looga baahan yahay inay u hoggaansamaan awaamiirta la faray.

Jen. Maxamed Axmed Maxamuud, taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga Gaarka ah ee DDS ayaa tilmaamay in looga baahan yahay in bulshada Deegaanka Soomaalidu ku dhaqmaan awaamiirta ay soo saartay dowladda dhexe oo ay u hoggaansamaan laamaha amniga Deegaanka, uguna baaqay shacabka inay ilaaliyaan midnimada iyo danta guud ee Deegaanka Soomaalida.

Taliyaha ayaa mar uu ka hadlayay hadallada ku-tiri-ku-teenka ah iyo war-xumo-tashiilkaba sheegay in ku-dagaallanka baraha bulshada ciddii lagu helo arrimahaasi inay ciidanku faran yihiin inay tallaabo ka qaadaan oo ay u haystaan amar buuxa laga billaabo xilligii la bixiyay amarka xaaladda deg-degga ah.

Jeneraalka ayaa sheegay in kooxda TPLF ay Deegaanka Soomaalida ka geysatay dil, dhac iyo kufsi  27-kii sano ee ay dalka soo xukuntay, sidaa darteedna dadka u hanqaltaaga TPLF inay dalka dib u qabsanayso ay yihiin kuwo aan lahayn wax damiir ah, taasina aynan dhacaynin mar dambe.

Dhinaca kale Taliye ku-xigeenka Booliska dowlad Deegaanka Soomaalida G/lle sare Cabdiqaadir Maxammed ayaa Bulshada uga digay inay xiriir la sameeyaan Al-Shabaab & xoogaga TPLF ee dagaalka kula jira Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xil kaqaadis sameenaya iyo Shaqsiga ay hada seefta Dul saaran tahay

Cabdi Cade

Iran oo lagu eedeeyay Weerar Khasaaro geestay oo lagu qaaday Markabka Mercer Street

Cabdi Cade

Somaliland oo ka tacsiyadeysay Qaraxii xeebta Liido

Caydiid Ali
Taboola Ads ---