Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Facebook oo tirtiray qoraal uu soo dhigay Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed

Barta Facebook oo hoos tagta shirkada Meta ayaa tirtirtey qoraal uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku boorinayey muwaadiniinta Itoobiya inay hubka qaataan oo nolosha ku aasaan xoogaga TPLF.

Afhayeen u hadlay Facebook oo shirkada Meta ay dhawaan magacawday ayaa in qoraalkaas uu ku xad gudbay shuruucdooda u degsan kicinta rabshadaha

“Waxaa nalagu wargeliyay qoraal uu qoray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, kaasoo aan meesha ka saarnay markii uu ku xad-gudbay shuruucdeena ka dhanka ah kicinta iyo taageeridda rabshadaha.”ayuu yiri afhayeenka.

Shirkadda facebook ayaa horey talaabadan oo kale uga qaaday Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump oo intii uu xilka hayey soo geliyey qoraalo kicin oo taageerayaashiisa uu u jeedinayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Reer Galbeedka oo ka walaacsan in Ruushka kusoo qaado weerar mugdi galin kara

Cabdi Cade

DEG DEG: Gaari uu la socday Imaamka beesha Mudulood oo lagu rasaaseeyey Muqdisho

Caydiid Ali

Talibaan oo dishay Hoggaamiye katirsanaa Daacish oo ka dambeeyay Weerar dad badan ku dhinteen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---