Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

(Sawirro) Deni oo xariga ka jaray Warshad cusub oo laga hirgeliyey Magaalada Qardho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarigga ka jaray Warshada Oxygen-ta sameysa oo Wasaaradda Caafimaadka we Dowladda Puntland ay kusoo kordhisay Isbitaalka guud ee magaalada Qardho.

Warshada Oxygen-ta sameysa ee la keenay Isbitaalka Qardho, ayaa wax badan ka tari doonta baahida dhinaca Oxygen-ta xiligan oo uu jiro xanuunka Covid-19, waxaana sidoo kale Dowladda u Qorsheysay inay Warshado oxygen geyso magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray qaybta hooyada iyo dhallaanka ee lagu soo kordhiyay Isbitaalka Qardho, waa xarun u gaar ah in ubadka ku dhasha waxkayar 9bilood, lagu caawiyo Caafimaad ahaan illaa uu si caadiya ugu korayo.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee ka socota Isbitaalka iyo dadaalka waxqabad ee Wasaaradda Caafimaadka, wuxuuna la wadaagay bulshada in Caafimaadku uu ka midyahay adeegyada muhimka ah ee Bulshada loo hayo, Dowladuna ay muhiimad gaar ah siinayso in dadku helaan adeeg Caafimaad oo dhameystiran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo la shiray Wafdi ka socday DF iyo Qaramada Midoobay

Cabdi Cade

Isimada dhaqanka Laascaanood oo aqbalay arrin ay Muddo dheer diidanayeen

Caydiid Ali

Sidee Maalinta 1aad ee Ciidul adxaa looga dabaal degay Muqdisho & gobolada dalka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---