Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar mamnuucday in degaanadeeda la soo galiyo dhamaan noocyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone (Unmanned aerial vehicle).
Warxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu sheegay in cidii lagu arko tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, laguma cadeyn War-saxaafadeedka sababta kaliftay in amarkan la soo saaro.
Drone ayaa ka kooban laba nooc oo kala ah mid kaamiroyin leh oo weriyeyaasha iyo dadka aflaamka sameeya u adeegsadaan iney muuqaalo ku duubaan iyo mid ay adeegsadaan milateriga oo wax lagu duqeeyo.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com