Allbanaadir.com
NEWS

Puntland: Ciidamo gadoodsan oo xirtay Mid ka mid ah wadooyinka soo gala Garoowe

Ciidamo ka tirsan Puntland oo gadoodsan ayaa  xirtay waddada xiriirisa magaalooyinka Garowe & Laascaanood, iyagoo is hortaagay socodka gaadiidka shacabka iyo kuwa ganacsiga.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka gadoodsan yihiin xuquuq kaga maqan maamulka Puntland

Inta la xaqiijiyay   ku dhawaad 30 gaari ayaa ku xaniban waddada oo ay saaran yihiin dad u badan  Haween, Caruur, & Dad waayeel ah, xaalad cakiran ayaana laga soo sheegayaa halkaas.

Saraakiil iyo Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayay wararku sheegayaan iney dedaal ugu jiraan sidii ciidamada gadoodsan loogu qancin lahaa iney furaan wadada ay xanibeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo ka fekeraya baabi’inta taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM

Cabdi Cade

(Sawirro) Ciidanka Puntland oo guluf dagaal ka wada duleedka Boosaaso

Caydiid Ali

Maamulka gobolka Banaadir oo ka hor yimid amar ka soo baxay Wasiirka amniga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---