Kulan deg-deg ah oo ay yeesheen golaha hawl-fulinta dowlad Deegaanka Soomaalida, kaasoo uu guddoominayay Madaxweynaha dowlad degaanka Mustafe Cagjar ayaa looga hadlay guulaha ay gaareen kooxda TPLF oo dagaal kala soo horjeeda dowlada Itoobiya.
Waxaa shirkaas laga soo saaray War-saxaafadeed ku bilowday sidatan:-
Sida la wada ogsoonyahy soddonkii sano ee la soo dhaafay kooxda TPLF waxa ay shacabka Deegaanka Soomaalida u geysatay mahadhooyin ballaadhan iyo dhibaatooyin baaxad leh; dhibaatooyinkasina bulshada Soomaaliyeed si dhab ah ayay uga wada dharagsan yihiin.
Gafafkii ballaarnaa ee soddonkii sano ee la soo dhaafay ay TPLF bulshada Soomaalida u geysatay waxa ay ku reebeen dadka Soomaaliyeed saamayn ballaadhan dhinacyada siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dhaqaalahaba.
Saddexdii sano ee la soo dhaafay isbaddalkii kaddib dowladda Deegaanka Soomaalida iyo hoggaaminteeda oo isku duuban waxa ay xoogga saartay in shacabka Soomaliyeed laga dulqaado dhibaatadii ay muddada soddonkaa sano ah u gaysatay, waxaana la sameeyay jihooyin kala duwan oo lagu badbaadinayay shacabka Soomaliyeed. Muddadaasi saddexda sano ah waxaa la qaaday jid walba oo ummadda Soomaaliyeed lagaga samata bixin karo hadimooyinkii baaxadda lahaa ee ay TPLF shacabka u geysatay. Waxaana lagu guuleystay in laga soo gudbo talooyinkii ay janaraaladdii TPLF talisyadooda uga soo go’aamin jireen iyo argagixii shacabka la galin jiray.
Maanta ma jirto, mana jiri doonto in ay soo noqdaan dhibaatooyinkii shacabka Soomaaliyeed ay TPLF gaadhsiisay, mid Deegaanka laga ogolaanna ma aha.
Dowladda Deegaanka Soomaalida waxa ay aaminsan tahay in masiirka shacabka Soomaalidu ku jiro gacanta shacabka Soomaaliyeed, nooc walba ha ahaadan ee, sidas darteedna ay go’aanka iyo taladuba ay ka soo go’ayso shacabka Soomaalida.
Ugu dambayn, Dowladda Deegaanka Soomaalida waxa uu waajib ka saaran yahay nabadda iyo horumarka shacab-weynaha Soomaalida, waxa ayna dowladdu caddaynaysaa in ayna imaan doonin gacan shisheeye, lana ogolaan doonin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com