Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo arimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay Siihayaha Safaaradda Mareykanka eeĀ  Soomaaliya, Marwo. Colleen Crenwelge .

Wasiirka iyo Marwo Colleen ayaa kulankooda uga wada hadlay arimo muhiim ah ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka labada dal, Iskaashiga, Taageerada dowlada Mareykanka siiso Soomaaliya gaar ahaanĀ  dhinacyada Amniga & Siyaasadda.

Waxa ay sidoo kale labada dhinac kawada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan xiligan kala guurka uu dalku ku jiro iyo sidii loo qaban lahaa doorasho u dhacda si xur iyo xalaal ah .

Wasiirka arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale Muqdisho kula kulmay safiiro kale oo Soomaaliya jooga kuwaa uu iyana kala hadlay xoojinta xiririirka iyo sidii dowlada uga taageeri lahaayeen amniga iyo Siyaasada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaale oo shan arrimood kala hadlay guddoonka sare ee maamulka G/Banaadir

Cabdi Cade

Masuuliyiinta Hirshabelle oo loo qabtay iney 48 saacadood uga baxaan Belad-weyne

Caydiid Ali

(Sawirro) Ku dhowaad 100 qof oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax ka dhacay..

Caydiid Ali