Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) War cusub oo ka soo baxay Guddiga Doorashada Heer Federaal

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxa uu bogaadinayaa bilaabashada Doorashada Gollaha Shacabka oo maanta oo ay taariikhdu ahayd 1- Nofember-2021 la doortay labadii (2) xildhibaan ee ugu horeeyey ee Gollaaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya.

Doorashadaasi oo ka dhacday Dugsiga tababarrada Booliska Gen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho, isla markaana ah xarunta loo asteeyay in lagu qabto doorashada xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi Somaliland.

Natiijada hordhaca ah ee doorashii maanta waxa kursigii 1-aad ee ay sumadiisu ahayd HOP# 239 ku soo baxay mudane Mahdi Maxamed Guuled (Khadar) oo helay codad gaadhaya 97 cod, halka kursigii 2-aad ee Gollaha shacabka ee ay sumadiisu ahayd HOP# 237 uu kusoo baxay mudane Biixi iimaan Cigge oo helay 91 cod.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer fedaraal waxa ay u mahad celinayaaan Ra’iisalwasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Roobleh oo dadaal xoogan galiyay qabsoomida Doorashada Gollaha Shacabka, waxa kale oo aanu u mahad celinaynaa guddiga maamulka doorashada kuraasta gobollada waqooyi Somaliland (SEIT) oo muujiyay dadaal dheeri ah.

Ugu danbayn, waxa aan ugu baaqaynaa dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka soomaaliya iyo guddiga maamulaya kuraasta banaadiriga in ay bilaabaan Doorashada Gollaha Shacabka, si looga gudbo marxalada kala guurka ah ee wadanku ku jiro.

**DHAMAAD**

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii u dambeeyey baadi goobka dayuurada uu la socday Madaxweyne Raisi

Caydiid Ali

Mareykanka oo Somalia u soo Magacaabay Safiir cusub oo ka awood badan kuwii hore

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo Gudoomiye cusub u magacaabay degmo katirsan gobolka Banaadir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---