Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Erdogan oo diiday ka qeyb galka shirka Isbedelka cimilada iyo hal sabab oo ka dambeysa

Madaxwaynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka baaqday qorshihii uu kaga qayb gali lahaa shirka isbadalka cimililada ee ka socda magaalada Glasgow ee dalka Britain

Baaqashadiisa ayaa sabab looga dhigay ka dib markii la isku-maandhaafay qaabka loo habeynayo sugidda amaankiisa.

Mr Erdogan ayaa sheegay in go’aanka ah in uu a baaqdo shirka uu qaatay ka dib markii saraakiisha Scotland ay diideen inay fuliyaan dalabkiisa, taasoo loo maleynayo inay tahay tirada wafdiga Madaxwaynaha.

Mr. Erdogan ayaa Turkiga ku laabtay kadib markii uu ka qeyb galay shirkii madaxda G20 ee ka dhacay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga halkii ay aheyd inuu u safro magaalada Glasgow ee dalka Britian sida ay qortay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka xoogga dalka oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al Shabaab

Cabdi Cade

Facebook oo soo saareysa Shuruuc saameyn ku yeelan karta Soomaaliya badan

Cabdi Cade

Qoorqoor oo sheegay inuu Wadahadal la furayo siyaasiyiinta Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---