Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo si kulul uga hadlay qaraxii saaka ka dhacay Magaalada Addis ababa

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii saaka ka dhacay fagaaraha Meskel ee magaalada Addis Ababa, halkaasoo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu kula hadlayey kumanaan ruux.

Farmaajo ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay falkaas macno darada ee lagu waxyeeleeyay dadka rayidka, isagoo tacsi u diray ehelada dadka waxyeeladu soo gaartay.

“Waxan si adag u cambaareynayaa qaraxii maanta lagula beegsday dadkii kasoo qeyb galay isu soo bixii lagu taageerayay RW Itoobiya Dr. Abiy Axmed. Horumarka Ethiopia iyo midka gobolka ma aha mid lagu hor istaagi karo argagixin iyo fowdo”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo qoraal lagu soo qoray barta Twitter-ka.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, isagoo u muujiyay garab-istaag.

Qaraxii saaka ka dhacay fagaaraha Meskel Square ayaa dad kala duwan loo qabtay, waxaana warbaahinta Itoobiya ay soo warineysaa in qofka tuuray bam gacmeedka uu xirnaa dharka ciidamada.

Ugu yaraan 100 qof ayaa la sheegay iney ku dhaawacmeen qaraxaas, kuwaasoo midkood markii dambe geeriyooday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha wasiiradda oo maanta ansixiyay xeer loo soo gudbiyay

Cabdi Cade

Meydadka dhalinyaro Soomaali ah oo laga helay xeebta Magaalada Mombasa

Caydiid Ali

Walaac dhanka amniga ah oo ka jira Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar & Warar kale

admin
Taboola Ads ---