Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta lagu soo dhaweeyay saraakiil uu ka mid yahay Gen. Aadan Abshir Nuurre (Laba afle). Taliyaha guutada 6-aad, qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka.
Waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa ciidamada Galmudug
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gen. Aadan Abshir Nuurre (Laba afle) uu maamulka Galmudug u xilsaaray abaabulka howlgal lagu soo afjarayo kooxda hubeysan ee Ahlusunna oo degaano ka tirsan Galmudug ku sugan.
Madaxweyne Qoor ayaa dhowaan sheegay inuusan wax wadahadal ah la geleynin kooxda hubeysan ee Ahlu sunna, wuxuuna ugu baaqay Shiikh Shaakir iyo maleeshiyadisa iney hubka dhigaan, dadkoodana dhinac ka raacaan.
Qoorqoor ayaa intaas ku daray inuusan u dulqaadan doonin in degaano ka tirsan Galmudug ay fariisin ka dhigtaan koox didan nidaamka iyo dowladnimada, wuxuuna xusay in cid kasta oo tabasho qabta ay tahay iney waddo nabadeed ku soo gudbiyaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com