Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

TPLF oo shaacisey iney ku wajahan tahay caasimada Itoobiya ee Addis ababa

Taliyaha hoggaaminaya dagaalyahanada Tigray ee TPLF Tsadkan Gebretensae ayaa sheegay in aysan jirin wax wadahadal oo ay la yeelanayaan dowladda Itoobiya.

Tsadkan Gebretensae ayaa intaa ku daray dagaalka uu haatan marayo meel gabogabo ah ayna ku wajahan yihiin magaalada Addis ababa.

Xafiiska warfaafinta ee dowladda Itoobiya wuxuu ku eedeeyay ciidamada Tigray in tiro dad ah ay ku dileen magaalada Kombolcha.

Mana jirto ilo madaxbanaan oo xaqiijin karta eedeymaha balse fallaagada TPLF ayaa horey u beenisay inay bartilmaameedsadeen dad rayid ah.

Dhinaca kale dagaalyahanada Tigray ayaa baaritaan guri-guri ah ka sameeyay magaalada Dessie halkaasoo ay ka raadinayeen hub kadib markii ay qabsadeen magaalada Dessie, sida dadka deegaanka ay BBC u sheegeen.

TPLF ayaa sabtidii la wareegtay magaaladan muhiimka ah, dowladda Itoobiya ayaa beenisay sheegashada kooxda isla markaana ku tilmaantay waxbo kama jiraan.

Dadka deegaanka waxay sheegayaan in maanta ay magaalada cidlo tahay iyadoo la xiray xarumaha ganacsiga, waxaana magaalada ka maqan korontada iyo isgaarsiinta.

Markii baaritaanka ay TPLF ka sameyneysay magaalada Dessie waxay dadka weydinayaan inay arkeen ciidamada dowladda iyo in kale.

Magaalada Dessie oo ku taalla gobolka Amxaarada ayaa waxaa ka dhacay dagaal xooggan maadama ay ku taallo marin istratiiji ah, waxaana dhexmaraa waddooyinka isku xira caasimadda Addis Ababa, caasimadda gobolka Amxaarada iyo dalka Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa looga hadlay kulan uu ka qeyb galay Fahad Yaasiin oo ka dhacay xarunta NISA?

Caydiid Ali

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Hay’adda Nukliyeerka Adduunka

Cabdi Cade

Somali President Hassan Sheikh Mohamud to speak Thursday evening at Minneapolis Convention Center

admin
Taboola Ads ---