Allbanaadir.com
NEWS

Etienne Peterschmitt oo gaaray Garawe lana kulmay Madaxweyne Deni (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt iyo wafdi uu hoggaaminayo.
 
Kulanka dhax maray Madaxweyne Deni iyo Etienne Peterschmitt ayaa looga hadlay mashaariicda hay’adda FAO ka wado deegaanada Puntland iyo sidii loo sii laba jibaari lahaa gaar ahaan mashaariicda la xiriira Beeraha iyo Xoolaha.
 
 
Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt , ayaana balan qaaday in ay sii wadayaan mashaariicda Hay’addan ka fuliso deegaanada Puntland iyo taageerada kale ee maamulka siiso.
 
Kulankan ka dhacay Madaxtooyada Puntlanad Waxaa Kala qeyb galay Madaxweynaha Kulankan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

K/Galbeed oo shaacisay Musharaxiinta lix kursi iyo Shariif Xasan oo meesha laga saaray

Caydiid Ali

Hormuud Salaam oo deeq gaarsiisay Isbitaalka Laansareeti iyo 200 oo haween danyar ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Maamulka gobolka Banaadir oo ka hor yimid amar ka soo baxay Wasiirka amniga

Caydiid Ali